Qarax xoog leh ayaa goor dhoweyd ruxay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, qaraxa ayaa dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxan ayaa ahaa is miidaamin iyadoo lala beegsaday xarumaha dukaamada ugu waaweyn magaalada Istanbuul ee loo dukaameysi tago, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in 4 ruux lagu dilay iyadoo 20 kalena ay dhaawacmeen qaarkoodna xaaladooda ay halis tahay.
Goobta qaraxa ka dhacay ayaa lagu magacaabaa Wadada Istiqlaal, ciidamada ammaanka Turkiga iyo gawaarida gurmadka ayaa goobta loola cararay. Xilliga qarax ayaa lagu beegay xilli dhammaadka toddobaadka ah oo dad badan ay dukaameysi ku mashaquulsanayeen.
Axadii hore ayay ahayd markii qarax sidan oo kale ah uu ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Ankara oo lagu dilay 37 ruux, waxaana sheegay urur Kurdi ah oo sheegay inay ugu aargudayaan dadka Kurdiga ah ee ciidamada Turkiga laayeen.
Goobjooge.com