Qarax xoog leh ayaa goor dhoweyd ruxay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Qaraxa ayaa laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana qaraxani uu ka dhacay agagaarka Xaruntii madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan, Degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada ammaanka ayaa xiray goobta, iyadoo la joojiyay isu socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana socda howlgal ciidan.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, iyadoo uu ku dhaawacmay mid ka mida ilaaldeeda.
WARKA HOOSE AKHRI
Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka badbaaday Qarax lagu weeraray