War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in laba qarax oo waaweyn ay ka dhaceen Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Istanbuul, waxaana la soo weriyay in rasaas ka dhacday garoonka.
Qaraxyada iyo rasaasta oo goor dhow ka dhacay garoonka, ayaa faahfaahintooda hadda soo baxeysaa.
Waxaa la soo weriyay qasaare dhimasho iyo dhaawac inuu ka dhacay.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in 10 qof ay ku dhinteen kadib markii qarax is-miidaamin ah lagu weeraray garoonka Ataturk ee magaalada Istanbul, caasimadda Turkiga, waxaana dhaawac ka soo gaaray dad tiro badan.
Wasaaradda Gudaha Turkiga ayaa sheegtay in mid ka mid ahaa qaraxyada oo ahaa is-miidaamin lala beegsaday qeybta soo degitaanka ee garoonka.
Ciidamo badan iyo gawaaridda gargaarka degdega ah ayaa goobta buux dhaafiyay iyadoo dhammaan duulimaayadii garoonka la hakiyay.