War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya uu goor dhoweyd ku dhawaaqay wasiirka cusub ee howlaha guud iyo Dib u dhiska.
Wasiirka koowaad Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Dalka, iyadoo maanta oo taariikhdu tahay 22-ka Bishaan Agoosto 2017-ka loo magacaabay Eng. Saadiq C/laahi Cabdi.
Xilkan oo hore u hayay Wasiirkii la dilay Cabaas Sheekh Siraaji ayaa bannaanaa muddo in ka badan 3 bilood, waxaana hadda loo magacaabay Mudane Eng. Saadiq C/laahi Cabdi oo noqonaya Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dibu dhiska ee Xukumadda Soomaaliya.