Monday, September 15, 2025

DEGDEG: Ra’iisal Wasaare Kheyre oo olole ka dhex bilaabay xildhibaanada Beesha Hawiye

Ra’iisal wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa durba bilaabay olole uu ku doonayo inuu kalsooni uga helo Baarlamaanka Federaalka.

Kulankiisii ugu horeeyay ayuu maanta la yeeshay xildhibaanada kasoo jeeda Beesha Hawiye, waxaana hadda kulankaasi ka socda xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Xasan Cali Kheyre ayaa ka codsaday xildhibaanada Beeshiisa inay codka kalsoonida siiyaan, isla markaana wax waliba ku xiran yihiin iyaga, wuxuuna u balanqaaday inuu si cadaalad ah ku shaqeyn doono isla markaana diyaar u yahay wixii talo ah oo ay siinayaan.

Kulanka oo ahaa kii ugu horeeyay ee oo Ra’iisal wasaaraha magacaaban la yeesho xildhibaanada Baarlamaanka ayaa goor dhow soo gabagaboobaya. Waxayna wararku sheegayaan in xildhibaanada tegay shirka oo ku dhowaa 50 ay taageereen Ra’iisal wasaaraha cusub.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa magacaaban muddo 4 maalmood ah, waxaana xusid mudan inuusan weli codka kalsoonida ka helin Baarlamaanka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON