Ra’iisal wasaarihii dalka Suudan Cabdalla Xamduuk ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Ra’iisal wasaaraha dalkaasi.
Khudbad uu si toos ah ugu jeediyey shacabka dalka Suudaan ayuu ku caddeeyay Cabdalla Xamduuk inuu amaanadii usoo celiyay shacabka Sudan, isagoo sheegay in xaaladda dalkaasi ay gaartay meel halis ah, isla markaana uu qaatay go’aankii ku haboonaa.
Is-casilaadiisa ayuu sabab uga dhigay inuu u arkay inay dan ugu jirto dalka Suudaan, markii ay ka hor yimaadeen dhibaatooyin badan oo uu ku guuleysan waayo mideynta dhinacyada siyaasadda iyo milateriga dalkaasi.
Wuxuu faahfaahiyay waxqabadkii xukuumadiisa iyo guulihii uu gaaray, isagoo fariimo kala duwan u diray dhinacyada milateriga, siyaasiiinta iyo shacabka dalkaasi, isagoo Suudaan u rajeeyay inuu ka gudbo marxaladaasi.
Wuxuu shaaciyey inuu dariiqa u banneeyay qof kale inay dalkaasi hoggaamiso, si xaaladda dalka Suudaan uu uga gudbiyo, markii ay ku adkaatay inuu hore ugu socdo.
