Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska ayaa goor dhoweyd lagu dhawaaqay inuu xilka iska casilayo maanta, kadib cadaadis uga yimid xukuumadda u hoggaamiyo iyo xisbigiisa.
Boris Johnson ayaa iska casilaya xilka hogaamiyaha xisbiga Conservative-ka, balse wuxuu uu sii ahaan doonaa xilka ra’iisul wasaaraha ilaa inta hoggaamiye cusub laga soo dooranayo shirweynaha xisbiga ee dhici doona bisha Oktoobar 2022.
Johnson ayaa si cad ugu dhawaaqi doona iscasilaadiisa galinka dambe ee maanta. Afhayeenka xafiiska Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska ayaa yiri: “Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta khudbad u jeedin doona dalka.”
Arrintan ayaa imaaneysa kadib toddobaadyo ay dalka Ingiriiska ka socdeen olole siyaasadeed oo looga horjeedo Ra’iisal wasaare Boris Johnson.