Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya inuu xilkii iska casilay Ra’iisal wasaarihii dalkaasi Hailemariam Desalegn.
Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa shaacisay warka ku saabsan in uu xilki Ra’iisal wasaaraenimo iska casiley Hailemariam Desalegn. Waxa uu sidoo kale Desalegn uu ka tagay guddoomiyannimadii xisbiga talada haya ee Itoobiya ee EPRDF.
Waxaa Warkan baahiyay TV-ga dowladda maamusha ee EBC TV. Mana jirto wax faahfaahin ah oo laga helay is-casilaadiisa, iyadoo dalka Itoobiya uu ku jiro xiisado siyaasadeed oo ka dhashay bannaanbaxyo ay wadaan qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada dalkaasi.