Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in rasaas goosgoos ah ay ka dhaceyso magaaladaasi.
Rasaasta ayaa bilaabatay kadib markii ay Puntland dib u bilowday dhismaha xarun lagu sheegay Maxjar xoolaha loo dhisayo oo hore la isku qabsaday dhulka uu ku yaallo.
Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku dhintay 6 qof oo labada dhinac, waxaana laga cabsi qabaa in xiisada colaadeed ay sii kororto iyadoo labada maamul ay ciidamo ku dhurayaan aaggga la isku hor fadhiyo.
Goobjooge.com