Rasaas goosgoos ah ayaa laga maqlayaa magaalada Muqdisho, xilligan oo ah saacad iyo bar ku dhowaad saqdii dhexe.
Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in rasaastu dhaceyso aagga u dhow madaxtooyada, gaar ahaan Daljirka Dahsoon iyo agagaarka isgoyska Boondheere, iyadoo aan la ogeyn cidda ay u dhaxeyso, waxaana halkaasi caawa tegay ciidamo taageersan Musharixiinta Madaxweynaha oo Berri shaaciyey inay bannaanbax nabadeed ku qabanayaan halkaasi.
Ciidamada dowladda oo fara badan ayaa caawa la dhigay wadooyinka magaalada, waxaana isgoysyada iyo agagaarka madaxtooyada lagu arkay dhammaan ciidamada Booliska gaarka ah, Milateriga iyo Kumaandooska.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA…
