Monday, July 14, 2025

DEGDEG: Sacuudiga oo xiriirkii diblomaasi u jaray Iiraan, dalkiisana ka ceyriyay diblomaasiyiintii dalkaasi

Boqortooyada Sacuudiga ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay inay xiriirkii diblomaasi u jartay dowladda Iiraan, iyadoo dalkeeda ka ceyrisay diblomaasiyiintii dalka Iiraan u joogay dalka Sacuudiga inay muddo 48 saacadood ah uga baxaan Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiirka arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga Caadil Aljubeyr ayaa goor dhoweyd uga dhawaaqay shir jaraa’id arrintan oo halkii ugu xumeyd gaarsiisay xiriirka labada dal ee islaamka ah, waxaana wasiirku ku eedeeyay Iiraan inay faragelin ku heyso arrimaha gudaha Sacuudiga, isla markaana ay ku fashilantay inay ilaaliso diblomaasiyiinta Sacuudiga ee ku sugan dalkeeda.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in si degdeg  ay dalka Iiraan uga soo qaadan doonaan diblomaasiyiinta Sacuudiga ee ku sugan dalka Iiraan, wuxuuna intaas ku daray in go’aankooda ay gaarsiiyeen Safiirka Iiraan u jooga Sacuudiga.

Iiraan ayaa ka carootay dilkii lagu fuliyay Sheekh Shiicada Sacuudiga ka mida Nimir Alnimir iyadoo Sacuudiga ugu hanjabtay inay ka aargudan doonto.

Goobjooge.com/Wakaalado

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON