Wararka laga helayo Gobola Gedo ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsanaa ciidamada Itoobiya ee ka howlgala Soomaaliya uu is dilay.
Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Garbahaarey, waxaana uu falkan ku dhaqaaqay kadib markii laga diiday codsi uu muddo dheer sugayay.
Wararka ayaa sheegaya in sarkaalkan loo diiday fasax uu ku booqdo qoyskiisa oo in muddo ah uu ka maqnaa, taasoo keentay in markii dambe uu go’aansado inuu is daldalo, kadib markii uu qolkiisa isku dhex marjiyay
Meydka askarigan ayay wararku sheegayaan in diyaarad helikobtar ah ay u soo duulisay magaalada Baydhaba, halkaasoo kadib loo duulin doono dalka Itoobiya.
Falkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee laga ogaado ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya, iyadoo warkan laga soo xigtay saraakiisha Soomaalida ee la howlgala ciidamada Itoobiyaanka.
Goobjooge.com