War laga helay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay goor dhoweyd toogasho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandigga Soomaaliya.
Dilkan oo ka dhacay Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ayaa lagu khaarijiyay G/Sare Sare Yaxye Xaaji Cali Aadan oo ka tirsanaa Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, isla markaana ahaa Agaasime Waaxeed.
Dadka degaanka ayaa sheegay koox dabley ay ay Sarkaalka beegsadeen markii uu ka soo baxay Gurigiisa oo ku yaala Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.
Dableyda dilka geysatay ayaa si degdeg uga baxsatay goobta, kadibna waxa halkaasi tegay ciidamada Ammaanka.
Goobjooge.com