Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya inuu goor dhow furmayo wejigii labaad ee shirka wadatashiga dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka.
Shirkan oo lagu soo koobay saacado ayaa laga akhrin doonaa War-Murtiyeedka laga soo saaray, kadibna waxaa khudbado ka jeedinaya Madaxweynayaasha shanta maamul Goboleed, Ra’iisal wasaaraha iyadoo uu soo xiri doono khudbadda Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Ajandaha shirka ayaa u qoran in min toban daqiiqo ay socdaan khudbadaha madaxda, iyadoo kadibna uu soo afjarmi doono, shirka wadatashiga wejigiisa labaad oo si uu u furmo loo baahday 5 maalmood oo wadahadal xiriir ah.
Kulankan kooban ayaa ka dambeeyay wadahadallo adagoo la isku mari waayay, waxaana arrintii la isku hayey ee Doorashada dib loogu dhigay Guddi farsamo iyo shir kale oo ka dhacaya isla Dhuusamareeb.
HOOS KA AKHRISO AJENDAHA
