Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: Shirkii Madasha Qaranka oo ugu danbeyn ka furmay magaalada Kismaayo

Shirkii wadatashiga Madasha Qaran ee Soomaaliyeed ayaa hadda ka furmay magaalada Kismaayo iyadoo ay khudbado ka jeediyeen madaxda dowlad Goboleedyada iyo madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii saaka dib u dhac yari ku yimid.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa shirka ka jeediyay khudbad dib u heshiiisiin iyo dardaaran u badneyd isagoo ku booriyay in ka qeyb galayaasha shirka ay tanaanul muujiyaan oo ay eegaan maslaxadda umadda Soomaaliyeed, wuxuuna maamulka Jubba ku amaanay marti gelinta shirka, isagoo sheegay inuu Baarlamaanku tegi doono Kismaayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbadiisa ay hadda socoto ayaa mahad celin uu gaarsiiyay maamulka Jubba ka sokow wuxuu diiradda ku saaray sida loogu baahan yahay in loo ilaaliyo midnimada dalka, wuxuuna xusuusisay ka qeyb galayaasha shirka inay mas’uuliyad gaar ahi saaran tahay.

“Waxaa nagala rabaa wixii suuragal ah inaan maanta sameyno, anigu Soomaali oo dhan ayaan metelaa, la iima dooran inaan dad gaara metelaa..” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in hadal kasta iyo dood kasta oo la kala qabo uu dulqaad u leeyahay inuu dhageysto.

Kismaayo waxaa ku sugan Madaxda Dowlad Federaalka ee Soomaaliya, Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland, Koofur-Galbeed, Galmudug, Wakiilo Ka socda Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe Beesha Caalamka iyo Saxiibada daneeya Siyaasada Soomaaliya.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON