Saturday, July 12, 2025

DEGDEG: Tababarre Arsène Wenger oo ku dhawaaqay inuu ka tegayo kooxda Arsenal

Tababarraha kooxda Arsenal Arsène Wenger  ayaa ku dhawaaqay inuu dhammaadka xilli ciyaareedka ka tegayo kooxda uu muddo gaareysa 22 sano hoggaaminayey.

Warkan ayuu Arsène Wenger  ku dhawaaqay goor dhoweyd si lama flilaan kadib shir jaraa’id oo uu qabtay, wuxuuna caddeeyay inay tahay waqtigii ugu haboonaa ee uu kooxda ka tegi lahaa kadib waqti dheer oo uu la soo qaatay.

“Kadib markii aan si taxadar leh uga fiirsaday, isla markaana wadahadal la yeeshay kooxda, waxaan dareemay in la joogo waqtigii ugu haboonaa ee aan oo aan ka tegi lahaa kooxda dhammaadka xilli ciyaareedkan..” ayuu yiri Arsène Wenger.

Wuxuu sheegay inuu waqti badan lasoo qaatay kooxda Arsenal, ayna sharaf u tahay inuu la qeybsaday guulo iyo xusuus badan. Arrintan ayaa soo afjareysa tababarraha ugu waqtiga dheeraa horyaalka Ingiriiska.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON