Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Taliyaha cusub ee Milateriga oo Qarax id-miidaamin ah lagu weeraray & Qasaare ka dhashay..

Qarax weyn oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray saraakiil ciidamada xoogga oo socday meel ku dhow Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in kolonyada ciidan ayaa kasoo baxday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, lala beegsaday gaari is-miidaamin ahaa iyadoo ay soo dhammaatay xafladii uu xilka kula wareegay taliyaha  cusub ee xoogga dalka Jen. Maxamed Axmed Jaamac (Cirfiid).

Taliyaha ayaa qaraxu qabsaday kadib saacad ka yar markii uu xilka kala wareegay taliyihii hore munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaadhigga.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday kolonyo uu la socday taliyaha cusub ee ciidamada Milateriga, isagoo si dirqi ah uga badbaaday qaraxa oo qasaare kasoo gaaray dadweyne iyo ciidamo.

Gaari dadweyne oo goobta xilligaas marayay ayaa la sheegay inuu qaraxu haleelay oo dadweyne badan qasaare kasoo gaaray.

Dadka degaanka ayaa sheegay in dadweyne la socday gaari Homey ahaa oo ku bas beelay meesha, waxaana laga cabsi qabaa in dad badan halkaasi ku dhinteen

Qasaaraha qaraxa is-miidaaminta ahaa la iheegay nay ilaa 8 qof oo shacab iyo askar isugu jira, waxaana jira dhawaacyo ka badan 15 kale.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON