Sunday, July 13, 2025

DEGDEG: Taliye cusub oo loo magacaabay Booliska (Wasiir hore oo xilkan qabanaya)

Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ansixiyay talo soo jeedinta magacaabidda taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Asluubta Soomaaliyeed, iyadoo shirkoodii maanta ee golaha wasiirada uu weli socdo.

Sida ay Goobjooge.com ka heshay shirka socda ee golaha wasiirada waxaa taliyaha Booliska loo magacaabay Gen. Maxamed Sheekh oo ahaa wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, horena u soo noqday Taliyaha ciidamada Nabadsugidda xiligii dowladii KMG ahayd ee Sheekh Shariif. Golaha Wasiirada ayaa si rasmi ah u ansixiyay.

Gen.maxsheekh

[ad name=”HTML-1″]

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Asluubta ayaa la soo jeediyay in loo magacaaboGen. Bashiir Goobe iyadoo golaha wasiirada dood dheer arrintan ka yeesheen, waxaana ka biyo diidanaa beelaha Daarood iyo Dir oo iyaguna doonayay  inay wax ku yeeshaan taliyeyaasha cusub.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa awood dastuuri ah u leh inuu magacaabo taliyeyaasha ciidamada dalka, iyadoo magacaabidda golaha wasiirada ay noqon doonto soo jeedin kadibna uu magacaaabi doono madaxweynaha. hadiise ay dhacdo inay golaha wasiirada iska magacaabaan waxay noqon doontaa sharci darro ku xiran inuu madaxweynuhu raali ka noqdo iyo inkale.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

 

[ad name=”HTML-6″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON