Wararka laga helayo magaalad Jowhar ayaa sheegaya in caawa halkaasi lagu dilay taliyihii ciidamada Booliska Shabeelada Dhexe.
Weerar bam gacmeed ah ayaa lagu qaaday caawa lagu qaadayxarunta taliska Booliska halkaasoo uu ku geeriyooday taliyaha Booliska Gobolka Shabeelada Dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye, waxaana wararku sheegayaan inuu taliyaha u dhintay dhaawac culus oo qaraxa ka soo gaaray.
Wararka ayaa sheegaya in dadkii geystay weerarka ay baxsadeen, waxaana rasaas goosgoos ah laga maqlay magaalada, iyadoo ciidamo la geeyay goobta falku ka dhacay.
Hore waxaa magaalada Jowhar loogu dilay taliyihii ciidamada nabadsugidda Gobolkaasi oo askari ilaalo u ah oo markii hore Alshabaab ka goostay uu dilkaasi u heystay horaantii sanadkii hore.
Goobjooge.com