Monday, January 17, 2022

DHAGEYSO: Guddoomiye Jawaari oo difaacay kulamo uu la yeeshay qaar ka mida Musharixiinta Madaxweynaha

Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa difaacay kulan gaara oo uu la yeeshay qaar ka mida musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo uu qabtay kadib kulan uu xafiiskiisa kula yeeshay musharixiinta kala ah: Shariif Sheekh Axmed iyo C/raxmaan Maxamed Faroole ayuu sheegay Prof. Jawaari in kulanka ay ka dalbadeen musharixiinta oo su’aalo ka weydiinayay arrimaha doorashada, isla markaana uu diyaar u yahay inuu la kulmo dhammaan musharixiinta.

Musharixiinta kale ee uu qaaiblay Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa ka mida ,Canab  Maxamed Daahir  iyo Maxamed Axmed Jabarti

Ad

Guddoomiye Jawaari ayaa  sheegay inuu Musharaxiinta guddoonsiiyey  buugaag ay ku qoran yihiin  taxanaha doorashadda Golayaasha sharci dajinta dalka soo maray ilaa sanadkii  1959-kii iyo habraaca doorashadda madaxweynaha iyo xeer hoosaadka u gaar ah .

Su’aalaha la weydiiyay ayuu sheegay Jawaari inay ka mid ahaayeen xilliga la qabanayo Doorashada Madaxweynaha, taasoo ku xiran Guddiga Doorashada ee ay wada sameyn doonaan labada gole ee Baarlamaanka.

DHAGEYSO

- Advertisement -

 

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

160,867FansLike
2,534FollowersFollow
5,936FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

160,867FansLike
2,534FollowersFollow
5,936FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!