Tifaftirihii Warbaahinta Goobjoog Media ee magaalada Muqdisho C/casiis Axmed Gurbiye ayaa goor dhoweyd loo dhaadhiciyay Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay Maxkamadda Gobolka Banaadir xabsi iyo ganaax ku riday.
Maxkamadda G/Banaadir ayaa ku dhawaaqday in Weriye Cabdiacasis Axmed Gurbiyelagu helay eedeynta ah faafin war been abuur ah, oo ku xusan qodobka 368 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, iyadoo ku xukuntay 6bilood oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 5 Miyan Shilin Somali.
Weriyaha oo in ku dhow 4 bilood kiiskan loo heystay intii uu damiinka dibadda ku joogayna loo diiday inuu wax qoraallo ah sameeyo ayey xeer ilaalintu bedeshay saddex jeer kiiskiisa oo markii hore ku saleysanaa inuu wax u dhimay sharafta Madaxweynaha.