War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in rasaas toogasho ah ay dhacday bannaanka dhismaha Baarlamaanka ingiriiska ee Palace of Westminster.
Xarunta ayaa la sheegay in la xiray gebi ahaanba kadib shilkaasi, waxaana la soo weriyay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen. Dhaawaca ayaa gaaray in ka badan 10.
Wakaalada wararka Reuters ayaa soo werisay in xilli uu socay fadhiga Baarlamaanka ay rasaas ka dhacday bannaanka Baarlamaanka UK.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in rasaastu dhacday kadib markii qof Mindi wata uu goobtaasi weerar ka geystay, laba qof ayaa la arkay oo dhulka yaalla, dhiig badanna uu ka daadanayo; iyadoo rasaas ay fureen ciidamada booliska.
Haweeney ayaa la soo weriyay inay u geeriyootay dhaawac soo gaaray, waxaana sidoo kale toogasho lagu dilay ninka weerarka ku geysta Tooreyda.
SAWIRRO: Weerarro Toorey iyo Gaari loo adeegsaday oo dhacay agagaarka Baarlamaanka UK, London
Goobjooge.com