Thursday, June 26, 2025

Uhuru Kenyatta oo ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha Dalka Kenya

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in guddiga doorashada Kenya ay shaaciyeen in Uhuru Kenyatta uu ku guuleystay doorashadii madaxweynaha dalkaasi.

Madaxa Guddiga IEBC  Wafula Chebukati ayaa shaaciyay goor dhow natiijada doorashada ee dalka Kenya ka dhacday Talaadadii munaasabad ka dhacday xarunta Bomas ee magaalada Nairobi.

Uhuru ayaa ka guuleystay ninkii ugu weynaa ee xilka hoggaanka dalkaasi kula tartamayay Raila Odinga, waxaan si rasmi ah loo shaaciyay natiijada oo ah:

Uhuru: 54.2% and 8.2 (8,203,290 Cod)

Raila Odinga: 44% 6,762,224 Cod

Isbaheysiga Mucaaradka ayaa qaadacay natiijada Guddiga Doorashada Kenya ku dhawaaqay, iyagoo sheegay in cabashadooda aan waxba laga qaban, isla markaana aanay aqoonsaneyn.

Dadka Kenya ee codkooda dhiibtay ayaa gaaray 15,073,662 oo u dhigma7 8.91% dadkacodeynta xaqa u lahaa.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Kenya ayaa mid mid u shaaciyay natiijada 47 degaan oo doorashadu ka dhacday iyo sida ay u kala heleen musharrixiintii ku tartamay xilka madaxweynaha. Natiijada guud ayuu kadib ku dhawaaqay.

Uhuru ayaa la guddoonsiiyay Shahaadada dib u doorashada, waxaana goobta bilowday dabaaldeg iyo sacab. Madaxweynaha la doortay ayaa hadda khubad jeedinaya

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON