Sunday, July 6, 2025

DEGDEG: Wasaaradda Amniga oo shaacisay in Maxkamad la soo saarayo C/raxmaan C/shakuur

Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in dembiyo loo heysto siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo xalay gurigiisa ay kala baxeen ciidamada Ammaanka.

Shir jaraa’id oo afhayeenka wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya C/casiis Ibrahim Xildhibaan ku qabtay Muqdisho goor dhoweyd ayuu ku shaaciyay in maxkamad si degdeg ah loo soo taagi doono C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdicasiis Xildhibaan ayaa sheegay inay wateen Warqad Maxkamadeed oo ay ku baaraan Guriga Cabdiraxmaan C/shakuur, balse ilaaladiisa ay diideen una hoggaannsami waayeen oo dagaal kala hor yimid.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in hadda uu ku jiro gacanta Hay’adda Ammaanka, islamarkaana sharciga la marsiin doono. Afhayeenka ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka Shacabka ah in ay isdejiyaan.

DHAGEYSO AFHAYEENKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON