Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentegon ayaa goor dhow shaacisay inay diyaaradaha DRONE-ka ee aan cidna wadin weerar ay ku qaadeen Soomaaliya ay ku dileen in ka badan 150 maleeshiyo oo ka tirsan Alshabaab.
Sida uu shaaciyay Pentegonka ayna soo werisay wakaalada wararka AFP, maleeshiyada Alshabaab ee la weeraray ayaa ku jiray xero milateri oo tababar uga socday iyagoo loo tababaray inay qaadaan weeraro waaweyn, “Waxay doonayeen in howlgallo sameeyeen kana tagaan xerada iyagoo halis ku ahaa ciidamada Mareykanka iyo Midowga Afrika” ayuu yiri Kabtan Jeff Davis afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka.
Qiyaasta la sameeyay ayaa muujineysa in weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan 150 dagaalame oo Alshabaab ka tirsan, iyadoo guud ahaan la baabi’iyay xeradaasi iyo intii ku jirtayba sida uu afhayeenku sheegay. Weerarkan ayuu sheegay Jeff Davis inuu dhacay Sabtidii lagu qaaday xero u jirta Soomaliya 195 KM kana xigta dhinaca Waqooyi.
Sida qiyaastani sheegeyso weerarkan waa kii ay baahiyeen dadka degaanka ee ka dhacay duleedka magaalada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan.