Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa wasiir cusub u magacaabay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Turkiga, horeba u soo noqday wasiir mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa loo magacaabay xilka wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.
Wasaaradda gaashaandhigga ayaa wasiir la’aan ahayd ilaa bishii Oktoobar markii uu xilkaasi iska casilay C/rashiid C/llaahi Maxamed oo la sheegay in lagu helo arrimo musuq ah, waxaana magacaabidda loo arkaa mid ku saleysan awood qeybsiga 4.5