Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in goor dhoweyd halkaasi lagu dilay wasiir ka tirsan Maamulka Hirshabeelle oo dhowaan la magacaabay.
Wasiirkii Beeraha iyo waraabka Hirshabeelle Xildhibaan Cabduqaadir Abuukar Muxumed ayaa goordhow lagu dilay xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar, kadib rasaas uu ku furay qof hubeysan.

Dilka Wasiirka ayaa la sheeay inuu ka danbeeyay nin hubeysan oo markii uu dilka geystay baxsaday. C/qaadir Abuukar ayaa hore u ahaa wasiir ku xigeenka Maaliyadda Hirshabeelle, waxaaan toddobaadkii hore loo magacaabay wasiir.
LA SOCO FAAHFAAHINTA…
