Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga xukuumadda Soomaaliya ayaa loo doortay kursi xildhibaan, kaasoo markii saddexaad uu u tartamay.
Wasiir Mohamed Abdullahi Nuux ayaa doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho la shaaciyay inuu ku guuleystay kursiga beeshiisa Gugundhabe/Jidle, wuxuuna helay codad gaaraya 43.
Musharixii hore ula tartamayay ayaa saxaafadda u sheegay inaan la soo ogeysiin doorashada oo laga qariyay, ayna tahay dowlad xaqdarro ah.
Doorashadan ayaa ka dhigeysa kursigii afraad oo dib loo qabto, iyadoo ay dhammaan ku guuleysteen xildhibaanadii hore looga kansalay kuraastii 5-ta ahayd.
Goobjooge.com