Xukuumadda Soomaaliya ayaa dib u dhigtay shirweyne qorsheysnaa in maalinta berri ah uu ka furmo magaalada Muqdisho.
Shirka oo socon lahaa muddo 3 maalmood ah waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Dastuurka iyagoo looga hadlayo dib u eegista dastuurka, waxaana ku casuunnaa boqolaal qof oo ka kala socda qeybaha bulshada iyo maamul Goboleedyada.
Guddiyada Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka ayaa ka hor yimid shirkan iyagoo ku tilmaamay mid sharci darro ah oo ay maroorsatay wasaaradda Dastuurka.
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in dib loo dhigay furitaanka Shir weynaha qaran ee daah furka dib u eegista Dastuurka kaasi oo qorshihiisu ahaa in uu maalinnimada berrito oo ay taariikhdu ku beegan tahay 8-da October uu ka furmo magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaan waqti kale u qaban, iyadoo shirkan si weyn loo qabanqaabiyay, waxaana muuqata in xukuumadda Kheyre oo hore khilaaf ugala dhaxeeyay maamul Goboleedyada ay hadda madaxa la gashay guddiyada Baarlamaanka iyo kuwa madaxa bannaan.