Friday, June 27, 2025

DEGDEG: Wasiir Xoosh oo si lama filaan ah u tegay Muqdisho, iskana xaadiriyay Baarlamaanka

Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa si lama filaan ah saaka u tegay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka oo xaalad caafimaad uga tegay magaalada Muqdisho, isla markaana ku sugnaa Nairobi ayaa degdeg ugu soo laabtay saaka caasimadda iyadoo daqiiqado kadib imaanshihiisa iska xaadiriyay xarunta baarlamaanka.

Wasiir Xoosh ayaa lagu waday inuu Golaha shacabka arrintiisa ka doodo baarlamaanka, iyadoo cod loo qaadi lahaa, laakiin fadhigii maanta ayaa u baaqday kooram la’aan markii ay ka baaqsadeen xildhibaano badan.

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya ayaa qarxiyay khilaaf ka dhex oogmay isaga iyo Baarlamaanka markii uu taageeray go’aan ay Maxkamadda Sare ka qaadatay 8 kursi oo ka tirsan golaha shacabka

Goobjooge.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON