Tuesday, June 24, 2025

DEGDEG: Wasiiradii ugu badnaa oo mar qura iska casilay Maamulka Hirshabeelle

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in wasiiro fara badan ay mar qura iska casileem maamulkaasi.

Arrintan ayaa qeyb ka ah ololaha lagu doonayo in xilka looga qaado madaxweynaha maamulkaasi Cali C/llaahi Cosoble oo mooshin ka dhan uu ka socdo xarunta Hirshabeelle ee magaalada Jowhar.

Ilaa 12 wasiir iyo wasiir ku xigeen oo ka tirsan Hirshabeelle ayaa la sheegay inay mar qura ku dhawaaqeen is-casilaadooda, taasoo qeyb ka ah ololaha looga horjeedo maamulka Hirshabeelle, waxayna ku biireen mooshinka laga wado madaxweynaha Hirshabeelle.

Xildhibaannada maamulka Hirshabeelle ayaa isku urursanaya sidii ay mooshinkan uga furi lahaayeen Baarlamaanka maamulka oo lagu wado inuu fadhi ku yeesho magaalada Jowhar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON