Friday, June 27, 2025

DEGDEG: Wasiirka Amniga oo xilalkii ka qaaday taliyeyaal ka tirsan ciidamada Booliska & Nabadsugidda

Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abukar Islow ayaa ku dhawaqay inuu xilalkii ka qaaday taliyaha ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda degmada Xamarweyne ee G/Banaadir.

Wasiirka oo ka hadlayay shir jaraa’id oo goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in falkii weerarka ahaa ee ka dhacay Xamarweyne loo xiray shaqsi laga shakisan yahay oo baaritaan uu ku socdo iyo gaari uu la socday.

Wuxuu kaloo sheegay in la xiray 12 askari oo ku qornaa goobta falka ka dhacay oo loo heyso dayac iyo shaqo gudasho la’aan, waxaana uu caddeeyay inuu xil ka qaadis ku sameeyay taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugidda degmada Xamarweyne oo hadda xiran.

Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abukar Islow
Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abukar Islow

Tallaabada ay qaaday wasaaradda Amniga ayaa imaaneysa iyadoo wasiirka uu hore u ballanqaaday in mas’uuliyiin badan ay xilalkooda u weyn doonaan weerarkii kadhacay degmada Xamarweyne.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON