Wasiirka Gashaandhiga dowladda Federaalka Soomaaliya Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhoweyd gaaray degmadda Baardheer ee Gobolka Gedo halkaasi muran dhinaca maamulka iyo ciidamada ah ka taagan yahay kadib markii ciidamada Itoobiya ay al safteen maamulka Axmed Madoobe oo khilaaf kala dhaxeeyay maamulka Gobolka Gedo.
Wafdiga Jeneraal Diini la sheegay inay weheliyaan xildhibaano iyo saraakiil ka soo jeeda Gobolka Gedo iyo Jubooyinka oo ay kamid yihiin Xildhibaan Axmed Cusman Daqare, Xildhibaan Maxamuud Cali Magan ,Xildhibaan Bishaar Ugaas, Xildhibaan Cabdulaahi Yuusuf Alankey, Xildhibaan Cismaan Aw-Libaaxi yo Jeneraal C/risaaq Khaliif oo ah Abanduulaha Ciidamada XDS, waxaana ay kulamo kula qaadan doonaan Saraakiisha ciidamada Itoobiya ee AMISOM.
Wafdiga wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha ay kusoo dhaweeyay xubno uu horkacayey Madaxweyne Ku xigeenka Jubba C/llaahi Sh Ismaaciil Farataag iyo weliba Saraakiisha AMISOM ee ku sugan Magaalada Baardheere.
Waxaa dhowaan Muqdisho soo gaaray xubno isugu jira siyaasiyiin iyo maamulkii hore ee Gobolka Gedo oo halkaasi ay ka soo masaafuriyeen ciidamada Itoobiya, arrintaas oo la filayo inay noqoto ajandaha ugu weyn ee laga wadahadlayo.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]