Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Wasiirka Warfaafinta oo shaqadii ka fariisiyay agaasimihii guud & agaasimeyaal kale

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa ku dhawaaqay inuu xilkii ka qaaday agaasimihii guud ee wasaaradaasi C/risaaq Yuusuf Bahlaawi iyo agasimaha maamulka.

Wasiirka ayaa qoraal uu soo diray ku sheegay inay shaqo ka fariisinta ay timid kadib  eedeymo la xiriira musuqmaasuq oo ay ku kaceen mas’uuliyiintaasi.

Waxaa si kumeelgaara xilka agaasimaha guud u sii heyn doona C/raxman Al-cadaalla oo hore u haa madaxa wakaalada wararka ee SONNA.

“Waxaan maanta shaqo ka fariisin ku sameeyey Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Maamulka ee Wasaarada Warfaafinta, kadib eedeymo la xiriira maamul-xumo iyo musuqmaasuq. Dowladda Federaalka wey ka go’antahay inay si kasta ula dagaasho maamul xumada iyo musuqmaasuqa…” ayuu wasiir Yariisow qoraalkiisa ku yiri.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale xilkii ka qaaday Agaasimeyaasha TV-ga Qaranka iyo  Radio Muqdisho , Waxaana uu magacaabay Agaasimayeyaal Cusub.

Wasaradaha kala duwan ee dowladda iyo hay’adaha ayaa waxaa ka socda olole xil ka qaadis iyo shaqo ka fariisin kadib markii xukuumadda cusub ay xilka la wareegtay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON