Tuesday, June 24, 2025

DEGDEG: Wasiirkii Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Somaliya oo xilka iska casilay

Wasiirkii Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey Golaha Wasiirada xukuuamdda Federaalka.

Wasiir Daahir Geelle ayaa is casilaaddiisa sabab uga dhigay kala aragti duwaanaansho aanay ku wada shaqeyn karin xukuumadda uu ka tirsanaa, wuxuu wareysi uu siiyaay Idaacadda VOA-da ku sheegay in isaga iyo madaxda dowladda aysan isku feker ahayn.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in isaga iyo madaxda dowladda ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan, sidaas darteed uu go’aansaday inuu xilka ka dego.

Is-casilaadda Daahir Maxamuud Geelle ayaa imaaneysa iyadoo uu dhowaanahan farqi weyn udhaxeeyay Ra’iisal wasaare Kheyre iyo wasiirkan oo la sheego inuusan ogoleyn inuu ku shaqeeyo amar iyo shaqo loo yeeriyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON