Wararka laga helayo magaalada Barcelona ee dalja Spain ayaa sheegaya inuu goor dhoweyd ka dhacay weerar loo adeegsaday Gaari oo lagu jiiray dad badan.
Weerarkan ayaa loo adeegsaday gaari weyn oo xamuul ah, waxaana la sheegay in darawalkii gaarigaasi waday uu baxsaday. Laba qof ayaa ku dhimatay, dhowr kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray weerarkan.
Ciidamada ayaa xitay goobta shilku ka dhacay, iyadoo lagu sheegay inuu ahaa weerar ula kac ahaa, laguna macneeyay fal argagixiso ah.
Booliska Spain ayaa sheegay in la xiray goobta uu weerarku ka dhacay, iyadoo la raadinayo qofkii falkan geystay.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xaaladu kacsan tahay kadib markii laba nin oo dabley ah ay weerar ku qaadeen Baar kadib weerarka gaariga loo adeegsaday.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..