Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Muqdisho oo goor dhow qarax ka dhacay ayaa sheegaya in Weerar ku bilowday Qarax is-miidaamin ah goor dhoweyd lagu qaaday Hotelka Hilaac UK Restaurant & hotelka caanka ah ee Hotelka Maka Al Mukaramah ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa mid aad u culus oo guud ahaan laga maqlay caasimadda ayaa lagu buburiyey qeybo ka mida hotelka, waxaana qaraxa kadib bilaabatay rasaas la is weydaarsanayo, iyadoo xaaladdu ay hadda cakiran tahay.
Hotelka Hilaac UK iyo Maka Almukarama ayaa ah hotelo caan ah oo ay degan yihiin ama isugu yimaadaan siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa dhowr jeer oo hore weerrarro lagu qaaday.
Qaraxa oo ahaa mid aad u xoog badnaa ayaa burbur u geystay dhismooyin badan oo ay ka mid yihiin Wardher Hotel, Xarumo farmashiyeyaal iyo Baarar dhowr ah oo u dhowaa halka qaraxu ka dhacay.


LA SOCO WIXII SOO KORDHA