Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Weerar lagu qaaday Banadir Beach ee Xeebta Liido & rasaas ka socota..

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaara magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen Banadir Beach restaurant ku yaala xeebta Liido, degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho.

Banadir Beach Restaurant ayaa la sheegay inay beegsadeen dabley Alshabab ah, waxaana dadka goobta ku sugan oo soo baxsaday ay sheegeen in dagaalyahanadda ay rasaas ku bilaabeen dadkii ku sugnaa Baarka.

Xaaladda ayaa kacsan iyadoo ciidamada ammaanka aya goobta ku qulquleen, waxaana qarax ka dhacay Baarka oo ku dhow dhismaha cusub ee safaaradda Turkiga lala beegsaday baarka oo tagaan dadka ladan.

Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed aya sheegay in howlgal ka socdo Baarka Banadir Beach Restaurant, isla markaana dabley laga shakiyay ay gudaha ku jiraan, sida uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Rasaas xoog leh ayaa ka socota gudaha Banadir Beach Restaurant, waxaana la soo sheegay dadweyne ku waxyeeloobay rasaastii ay fureen dableyda weerar ku qaaday hotelka loo nasasho tago.

Faahfaahin la soco….

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON