War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in weriye C/llaahi Kulmiye Caddow oo muddo shan maalmood ah u xirnaa Hay’adda Nabadsugidda iyo SirdoonkaSoomaaliya la sii daayey goor dhoweyd.
Sii deynta weriyaha ayaa la sheegay inay ka danbeysay waanwaan xarigiisa ku saabsan oo oo uu hoggaaminayey Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, waxaan suuragashay in goor dhoweyd xoriyadiisa dib loo siiyo weriyaha.
Idaacadda Kulmiye ee uu ka howlgalo ayaa shaacisay in dadaal dheer oo ay sameeyeen ay ku suuragashay in maanta weriye Cabdullaahi Kulmiye Cadow uu xoriyaddiisa dib u helo, iyagoo aan faahfaahin kale bixin.
Ciidamada NISA ayaa xoog ah ku galay Guriga Weriye C/llaahi Kulmiye Caddow, halkaasoo ay kala baxeen 16-kii bishan Oktoobar. Waxaana sarigiisa cambaareeyay mas’uuliyiin iyo ururrada saxafyiinta.

