Monday, July 14, 2025

Weriye C/sasiis Gurbiye oo Damiin lagu sii daayey

Tifaftirihii Warbaahinta Goobjoog Media ee magaalada Muqdisho C/casiis Axmed Gurbiye ayaa goor dhoweyd la sii daayey markii dadaal loo galay in laga saaro xabsiga Dhexe.

Sii deynta Weriye C/casiis Gurbiye ayaa ah damiin, waxaana dadaal u galay dad kala duwan oo arrintiisa ku howlanaa, iyadoo goor dhoweyd uu damiin uga soo baxay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.

Weriyaha ayaa maalintii shanaad maanta u xirnaa dowladda Soomaaliya, iyadoo madaxtooyada Soomaaliya la sheegay inay soo dacweysay, waxayna xeer ilaalinta dalka kusoo eedeysay inuu meel uga dhacay sharafta Madaxweynaha.

Siyaasiyiin, xildhibaanno iyo dad ka mida qeybaha kala duwan ayaa dowladda ka dalbaday inay xoriyadiisa u soo celiyo weriyaha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON