Monday, July 14, 2025

DEGDEG: Weriye ka howlgala Idaacad ku taalla Muqdisho oo lagu afduubtay duleedka Magaalada

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weriye ka howlgala mid ka mida idaacadaha Muqdisho lagu afduubay duleedka magaalada.

Weriye Hanad Cali Guuleed ayaa la sheegay in kooxo hubeysan ay ka kaxeysteen meel u dhow gurigiisa oo ay ku sugayeen saaka oo ku yaalla degaanka KM 13 ee duleedka magaalada Muqdisho.

Afduubkan oo ay xaqiijiyeen ururka saxafiyiinta NUSOJ ayaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo Muqdisho ka dhaca muddooyinkan, iyadoo aan la shaacin cidda kula kacday afduubka iyo sababta loo afduubtay midna.

Weriye Hanad ayaa ka mid ahaa saxafiyiinta da’da yar ee sida weyn uga dhex muuqda weriyeyaasha magaalada Muqdisho.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON