War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu geeriyooday wiilkii yaraa ee reer Marooko ‘Rayaan’, kadib markii daqiiqado ka hor laga soo badbaadiyey Ceelkii uu muddo shan maalmood ah ku jiray.
Dhowaan ayey ahayd markii lasoo babaadiyey wiilkan oo talaadadii ku dhacay Ceelka, waxaana war rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda Marocco oo uu shaaciyey Telefishanka dowladda dalkaasi lagu sheegay inuu geeriyooday Wiilkii shan sano jirka ahaa ee Rayaan.
Wiilkan ayaa daqiiqado ka hor laga soo saaray Ceel gaaraya 32 Mitir ah oo uu ku dhacay Talaadadii, tuulada Tamrout, ee gobolka Chefchaouen, Waqooyiga Morocco.
Ma cadda inuu dhintay intii badbaadintiisa lagu jiray iyo ka hor, waxaana weli soo baxaya faahfaahinta warka ku saabsan xaaladda wiilkan oo ahayd mid adag.
