Mas’uuliyiinta magaalada Charlottesville ee ka mida Gobolka Virginia, ee dalka Mareykanka ayaa xaalad degdeg ah ku soo rogay magaaladaasi.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii dad Caddaan ah oo kuwa Wadaniyadda ay madax martay ah bannaanbax weyn isu diyaariyeen inay ka dhigaan magaaladaasi.
Tallaabadan ayaa mas’uuliyiinta magaalada ugu ogolaaneysa inay inay dalbadaan ciidamo dheeraad ah, sida uu shaaciyay Booliska magaalada Charlottesville.
Xaaladda ayaa kacsan iyadoo caddaanka cunsuriyiinta ah la filayo inay ku biiraan bannaanbax la magac baxay “U midoobidda xuquuqda” oo ay uga horjeedaanin meesha looga saaro taallo uu leeyahay General Robert oo astaan u ah is adoonsigii Mareykanka.
Bannaanbax kale oo ka horjeeda caddaanka ayaa isna magaalada Charlottesville isku urursanaya, waxaana laga cabsi qabaa inay ku dhacaan labada dhinac.