Xafladii furitaanka shirka mudada dheer la sugayay ee maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa goor dhoweyd ka bilaabtay hoolka shirarka ee magaalada Jowhar, waxaana halkaasi ku sugan ergooyin ka badan 300 ruux , xildhibaano, wasiiro iyo marti sharaf kala duwan.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd gaaray xafladda oo si weyn loogu dhoweeyay, waxaana sidoo kale ku sugan madaxweynaha Galmudug, madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba, wakiilo ka socda beesha caalamka iyo xubno ka socda maamulada dalka.
Waxaa socda khudbadihii shirka, waxaana la filayaa inuu madaxweyne Xasan Sheekh shirka labada gobol furo, iyadoo shirkani noqonayo kii ugu danbeeyay ee lagu dhiso maamul Goboleedka ugu danbeeya ee dalka.
Goobjooge.com