Wednesday, July 9, 2025

DEGDEG: Xasan Sheekh iyo Farmaajo oo u gudbay Wareega saddexaad iyo Cod hal dheeri ah

Waxaa goor dhow soo dhammaaday wareegii labaad ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo wareega saddexaad ay u gudbeen laba musharax oo isugu soo haray.

Wareega saddexaad oo lagu kala baxayo cod hal dheeri ah waxaa isugu soo haray Musharixiinta kala ah:

1- Xasan Sheekh Maxamuud

2 iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo

Wareega saddexaad waxaa ka haray musharixiinta kala ah: Xasan Cali Kheyre iyo Siciid C/llaahi Deni, waana doorasho adag oo la saadaalinayo inuu ku guuleysan doono Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo helay codad dhan 110.

Waxay u muuqataa inuu Farmaajo dib u soo laba kacleeyay inkastoo codadka soo haray ay u badan yihiin mucaarad oo ay muuqato inuu Xasan Sheekh Maxamuud mar labaad Qabyadiisii dhammeystiri doono.

Halkan ka Akhriso Natiijada Wareegga labaad

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON