Saturday, June 28, 2025

DEGDEG: Xildhibaan lagu dhaawacay Muqdisho & ilaaladiisii oo la dilay

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in la dhaawacay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya lagu dhaawacay  weerar ay ku qaadeen koox dabley ah oo gaari wadatay oo rasaas ku furay gaarigii uu la socday xildhibaanka iyo ilaaladiisa.

Xildhibaanka ayaa lagu magacaabaa Maxamed Cali Diheeye, waxaana weerarka uu ka dhacay agagaarka Ceelgaabta, degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Saddex dabley oo ahaa ilaalada Xildhibaanka ayaa lagu dilay weerarka oo goor dhoweyd dhacay, waxaana wararku sheegayaan in dhaawaca xildhibaanka uu yahay mid adag.

Falalka qorsheysan iyo dilalka ay geysanayaan kooxda Alshabaab ayaa si weyn u kordhay magaalada Muqdisho, waxaana maalmihii ugu danbeeyay ay noqdeen kuwii ugu dhiigga badnaa falalka khaarijinta ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON