Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ka leh ansixinta Guddiyada Qaranka ee xukuumadda Soomaaliya ay soo magacawday, iyadoo uu su’aalo laga weydiiyay dhismaha guddiyadaasi wasiirada Cadaaladda iyo arrimaha gudaha oo maalmihii ugu danbeeyay looga yeeray fadhiya Baarlamaanka.
Kulankii maanta ayaa looga dooday sidii loo ansixin lahaa guddiyadaasi, waxaana la soo jeediyay in codka loo qaadayo ansixintiisa uu noqdo mid gacan taag ah iyo in laga dhigo qarsoodi. Xildhibaanada qaarkood ayaa qaba in codka uu noqdo qarsoodi, taasoo keentay in la dalbado cod loo qaado labada qaab ee cod qaadista. Markii guddoonka Baarlamaanka cod u qaadayna waxay xildhibaanada baarlamaanka u codeeyeen in ansixinta guddiyada ay noqoto cod qarsoodi ah.
Tani waxay ka dhigan tahay inay xildhibaanada awood u yeeshaan inay diidaan guddiyada hor yaala ansixintooda iyadoo aan la ogaan, waxaaana arrintan ay qaadan karta waqti dheer, waana markii ugu horeysay ee ka dhacdo Baarlamaanka kadib doorashadii madaxweynaha iyo guddoonka Baarlamaanka.
Wararka laga helayo xildhibaanada goobta shirka ku sugan ayaa sheegaya in xildhibaano badan ka soo horjeedaan xubno ka mida guddiyada ay xukuumada soo magacawday, siiba guddiga doorashooyinka iyagoo gaar ahaan u diidan inay ka mid noqoto XALIIMO ISMAACIIL IBRAAHIM (Xaliimo yarey) iyo xubno kale oo la sheegay inay wataan madaxda sare ee dalka.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]