Xaflad lagu daahfuray mashruuca dhismaha dekadda magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa xalay ka dhacday magaaladaasi iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiinta kasoo jeeda Galmudug iyo dad fara badan.
Xubnaha munaasabadda ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa: Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Aqalka Sare Abshir Bukhaari, guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad, xildhibaannada laab aqal ee Baarlamaanka kana soo jeeda Galmudug, siyaasiyiin, ganacsato, odayaal dhaqan, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha Galmudug Mudane Qoorqoor ayaa shaaciyey in dekadda Hobyo lagu dhisayo is-xilqaan Bulshada Galmudug isku tashaneyso, waxaana lahu qiimeeyay wejiga hore lacag dhan 90 Milyan oo Doolar, iyadoo 50 Milyan oo ka mida ay bixineyso Beesha H/Gidir, halka inta soo hartay ay bixinayaan beelaha kale ee dega Galmudug.
Wasiirka dekaddaha iyo kalluumeysiga maamulka Galmudug ayaa isla xalay shaaciyay xilliga iyo qaabka loo dhisayo dekadda magaalada Hobyo ee sanadkan aakhirkiisa la bilaabayo, sida uu yiri.

Dekadda Hobyo oo marar badan la dhagax dhigay isla markaana dalal badan la sheegay inay maalgelinayhaan sida Dalka Qatar ayaan waxba ka suuraagelin.