Friday, July 18, 2025

Dekadda magaalada Muqdisho oo lagu qabtay Khamri lagu soo qariyey Konteenar

Waxaa maanta Dekadda weyn ee Muqdisho lagu qabtay kartoono Khamro ah oo lagu soo qariyey Konteenar ka mid ahaa alaabta kasoo degtay Dekadda.

Konteenarka ayaa laga dhex helay 500 oo Kartoon oo Dhalooyin Khamri ah iyo 160 Kartoon oo ay ku jiraan Qalabka Baabuurta, iyadoo loo soo rarray qalab Spare Parts ah, waxaana Booliska Dekada uu sheegay in la hayo dadkii lahaa alaabtaasi iyo dokumentigii lahaanshaha allaabya.

Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha Ciidamada Booliska Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in Konteenarkaan markii hore lagu sheegay in uu sido shixnad kale, balse baaris ay sameeyeen ciidamada Booliska ay ku ogaadeen inay ka buuxaan dhalooyin Khamri ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON