Sunday, July 13, 2025

Dekadda Muqdisho oo lagu soo kordhiyey Qalab Casri ah [Daawo]

Shirkada Albeyrak  ee maamusha dekadda Muqdisho ayaa soo bandhigtay qalab casri ah, kaasi oo waxbadan ka tari doona socdaalka iyo hagida Maraakiibta waa weyn ee xamuulka sida ee ku soo xirta Dekadda magaalada Muqdisho.

Munaasabadan kooban oo lagu soo bandhigayay qalabkan cusub ayaa wax goob joog ka ahaa Wasiirka Dekadaha  iyo Gaadiidka  Badda, Wasiir ku- xigeenka Wasaaraddaasi iyo Maamulka shirkadda  Albeyrak.

Maareeyaha shirkada Albeyrak Sami Erol ayaa sheegay in qalabkaan  uu wax badan ka tari doono howlaha shaqo ee ka socda Dekadda, islamarkaan maraakiibta waaweyn ee sida Xamuulka ay ku soo xiran kaaran.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka  Badda Maryan Awey Jaamac ayaa kaga mahad celisay Maamulka Shirkada Albeyrak horumarinta ay ka wadaan dekadda Muqdisho,islamarkaan qalabkaan lagu horumarinyo howlaha Dekada.

Qalabkaan Casriga ah ayaa laga keenay magaalada  Dubai  ee dalka Imaaraadka waxaan ka howlgeli doona dhalinyaro Soomaaliyeed oo aqoon u leh  socdaalka iyo hagida Maraakiibta waa weyn ee ku soo xirta dekadda Muqdisho.

SourceSONNA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON